Carruur badan oo aan heli karin inay ka faa’ideystaan casharada Online-ka ah.

Qaramada midoobe ayaa sheegtay in 463 milyan oo carruur ah aysan awoodin inay helaan csharada lagu bixiyo qaabka interneetka ah ee bilooyinkii dambe la bilaaway.
Hay’ada ayaa sheegtay in carruurta intooda badan aysan haysanin fursadihii u suura galin lahaa inay charada qataan madaama looga baahanyahay combiitara iyo intarneed xowligiisu sareeyo.
Tan iyo markii uu cudurka Covid-19 dhilaacay, wadama badan oo caalamka kamid ah ayaa albaada isugu dhuftay dugsiyada waxbarasha kadibna bilaaway in arday iyagoo guryaha joogaan la siiyo charadooda.
Warbixin ay soo saartay hay’ada QM u qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa lagu sheegay in 100 dal carrurta kunool aysan ka faa’ideysan karin fursadahan.
UNICEF ayaa sheegtay in carruurta ku nool koonfurta Asia, Africa, Pacific-ga iyo barriga Asia ay yihiin kuwa sida daran ay saameynta u soo gaartay.
Agaasimaha Sare ee hay’ada Henrietta Fore ayaa sheegtay in saameynta waxbarasha ee soo gaartay carruurta badankoodu ay tahay xaalad deg deg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here