Carruur ku dhimatay goob lagu dabasho gobolka Sool

Wararka laga helayo Magaalada laas-Caanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxaay sheegayaan in laba Carruur oo Walaalo ah ay ku geeriyoodeen, kadib markii ay ku dhaceen meel Biyo ku jiraan oo lagu dabaasho.
Goobta ayaa waxaa la sheegay in markii hore uu ku dhacay mid kamid ah Carruurta, kadibna midka kale oo doonayay inuu soo badbaadiyo Walaalkiis uu isagana kula dhacay, halkaasna labaduba ay ku geeriyoodeen.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxaay warbaahinta u sheegeen in labada Carruurta ah oo da’dooda ay kala aheyd 8 iyo 9 sano jir ay meydadkooda laga soo saaray Goobtii ay Biyuhu ku jireen ee lagu dabaalan jiray, isla markaana la Aaseen.
Dhacdooyinka lax iriira Carruurta ku dhacda meelaha Biyaha ay galaan ee lagu dabaasho ayaa mararka qaar waxaay ka dhacaan degaannada Miyiga ah ee dalka Soomaaliya, iyadoo ay tahay arrintaasi mid soo lab laabatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here