Carruurta gobolka ugu dadka badan ee Australia oo maanta dugsiyada ku laabtay

Caruurta ardayda

Waxaa maanta dugsiyada dib ugu laabtay carruurta wax ka dhigta gobolka New South Wales oo ah midka ay ku nool yihiin dadka ugu tirada badan ee wadanka Australia.
Guddoomiyaha gobolkaas Gladys Berejiklian ayaa warbaahinta u sheegay in waalidiin tiro yar ay weli carruurta guriyaha u joogaan.
Arrintan ayay ku saleysay walaac ay waalidiinta qaar ka muujinayaan cudurka sii faafaya ee COVID-19.
Guud ahaan caalamka waxaa uu cudurka haleelay in ka badan 5.3 milyan oo qof , waxaa u dhintay ugu yaraan 344,000 oo qof halka ay ka bogsadeen in ka badan 2 milyan oo kale sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins oo si dhow ula socoto xaaladaha soo kordhaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here