Caruur ku dhiimatay dab ka kacay guriga ku yaala Magaalada hargaysa

Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Soomaaliland ayaa sheegaya in Ilmo yar oo 9 bilood jiray uu ku dhintay ,laba kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii uu dab qabsaday hoygooda oo ku yaalla xaafadda libaaxyada ee magaaladda Hargeysa, sida ay xaqiijiyeen ciidamada dab damiska Somaliland , qaybta ka howlgasha magaaladda Hargeysa.
War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada dab-damiska Somaliland ee Hargeysa ayaa lagux aqiijiyay dhacdadaan.
Labada Canug ee dhaawacantay oo kala ahaa wiil iyo gabadh ayay ciidanka dab-demisku geeyeen cisbitaalka weyn ee magaalada hargeysa halkaas oo hadda lagu daawaynayo.
caruurtan yar yar ee ay dhabaatadaasi soo gaadhay waxaa la sheegay inay waalidkood dusha kaga xireen Guriga ay ku gubteen, iyadoo waliba ilmaha yar ee dhintay lugta uu ka sii xirnaa.
Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan wada tashi ah la yeeshay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Maamulk Soomaaliland.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howl gelinta Guddigan iyo shaqooyinka ay qabteen muddadii koobneyd ee ay magacaabnaayeen ay muujinayso sida ay uga go’an tahay dowladda hor u socodsiinta qorshaha Qaran ee lagu xoojinayo wadashaqeynta iyo hirgelinta jawi kalsooni iyo horumar loo dhan yahay oo dadka Soomaaliyeed ay wadayeeshaan.
Madaxweynaha Farmaajo ayaa Xubnaha Guddiga u hseegay in laga sugayo xal waara oo miro dhal ah, horseedana qorshe Qaran oo ku wajahan tabashooyinka dadka Soomaaliyeed ee gobolada Waqooyi, si loo xaqiijiyo mabaadi’da wadajirka ah ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda iyo isku duubnida umada SoomaaliyeedS.
Xubnaha Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland ayaa Madaxweynaha la wadaagay xogta ay ururiyeen mudooyinkii la soo dhaafay ee ku saabsan fursadaha muuqda ee ka miro dhalinta dhab u heshiisiinta ay guddigu u xilsaaran yihiin iyo caqabadaha ku xeeran howsha ay ku guda jiraaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here