DAAWO:Booliiska Nairobi oo xiray qof ku eedeysan dembiyo badan

0
274

Saraakiisha booliiska ee xaafadda Kilimani ee ismaamulka Nairobi ayaa gacanta ku dhigay nin lala xiriirinaya ku lug lahaanshaha falal dhac ah oo dhawaan laga gaystay gudaha magaala madaxda wadanka.
Tani ayaa timid ka dib markii tuhmanaha lagu aqoonsaday muuqaallo ay duubtay kaameerada qarsoon ee CCTv-da.
Adeegga qaran ee booliiska ayaa bayaan ku sheegay in ninkan markii la qabtay uu saraakiisha geeyay hooygiisa oo ku yaalla xaafadda Wangige.
Laamaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in halkaasi lagu arkay waxyaabo la rumeysan yahay in la soo xaday oo ay ka mid yihiin kabo iyo dhar.
Tuhmanaha ayaa hadda maraya baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here