Cayayaan weerar ku qaaday saldhig boolis oo ku yaalla Paris

Cayayaan yar yar oo kuwa duula ah ayaa kallifay in qeyb ahaan loo xiro saldhig boolis oo ku yaalla waqooyiga-bari ee magaalada Paris, waxaana arrintaas ka dhashay cabasho badan oo ka imaaneysa ururada shaqaalaha.
Dhismaha uu ku yaallo saldhigga ayaa laga xannibay shacabka waxaana laga wareejiyay qaar ka mid ah adeegyadii ka socday, hase ahaatee saraakiisha ayaa shaqadooda kasii wada gudaha.
Ururka ay ku midoobeen booliska ayaa dalbaday in si buuxda loo xiro guud ahaan goobtaas, isla markaana la buufiyo.
Bayaan ay soo saareen ayey ku dhaheen: “Weerar uu soo qaaday cayayaan ayaa xaaladihii shaqada ka dhigay kuwo aan la aqbali karin, arrintanina waxay socotay maalmo badan”.

Wakiillo ka socda midowga booliska ayaa arrintan kusoo bandhigi doona shir loo ballansan yahay inay Isniinta la yeeshaan wasiirka arrimaha gudaha.
Warbaahinta BFMTV ayaa soo tabisay in markii ugu horreysay qeylo dhaanta dhibaatadan ay soo gudbiyeen maxaabiista ku xiran jeelka saldhigga.
Emmanuel Cravello oo ka mid ah saraakiisha ururka ayaa warbaahinta u sheegay in cayayaanka la arkay saddex isbuuc ka hor, si fiicanna aan loola dagaallamin.

Meelo kala duwan oo caalamka ka tirsan ayaa horay looga soo tabiyay cabasho ka dhan ah cayayaanka, waxaana inta badan ay ku saabsanaayeen shinnida oo weerarro geysata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here