Charles Rubia oo isniinta la aasaya

Waxaa maalinka isniinta lagu wadaa in la aaso Dr. Charles Rubia oo horay xildhibaan iyo wasiir u soo noqday.
Waxaa uu sido kale ahaa duqii ugu horeeyay ee Afrikaan ah ee magaalada Nairobi.
Guddiga loo xilsaaray qabanqaabada aaska Rubia ayaa sheegay in berri munaasabado baroordiiq ah lagu qaban doono ismaamullada Nairobi iyo Murang’a.
Waxaa guddigan hoggaaminaya xildhibaankii hore ee deegaanka Makuyu, Nduati Kariuki.
Charles Rubia ayaa dhintay isniintii la soo dhaafay isagoo 96 sano jir ah waxaana lagu xusuustaa inuu ka mid ahaa siyaasiyiintii u soo halgamay dimuqaraadiyadda dalka gaar ahaan qaadashada nidaamka xisbiyada badan ee siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here