Ciidamada amaanka oo gacanta ku dhigay askari dil gaystay

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada booliska Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug qeybta Maamulka puntland ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ku guuleysteen inay gacanta ku Soo dhigaan Askari dhawaan halkaasi dil ka geystay oo baxsad ahaa ayna Ciidamada amaanku ku raad joogeeen.
Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Mudug ee Maamulka Puntland, Muumin Cabdi Shire ayaa Warbahainta u sheegay in Askariga Dilka Gaystay ay Ciidamada amaanku kasoo qabteen degaanka Shakaal oo dhanka Waqooyi bari kaga beegan degmada Jariiban ee gobolka Mudug.
Waxaa uu sheegay in Askariga oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Maamulka Puntland uu 11-kii Bishaan September Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, ku dilay Nin lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Daahir Aadan, kaasoo kamid ahaa ganacsatada Gobolka Mudug ee halkaasi sida weyn looga Garanayay.
Howlgalka lagu soo qabtay Askariga dilka geystay ayaa waxaa la sheegay inay ku dhaawacmeen laba qof oo Shacab ah, kadib markii ay israsaaseyn dhex-martay Askariga dilka Gaystay ee Baxsadka ahaa iyo Ciidamada doonayay inay Gacanta ku dhigaan si cadaalada loo horgeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here