Ciidamada amaanka Soomaaliya oo Baadi goobaya Maleeshiyaad dil Gaystay

Ciidamo ka tirsan Booliska gaarka ah ee Haramcad oo shalay gelinkii dambe ay dowladda Soomaaliya geysay degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud bartamaha Soomaaliya ayaa waxaay baadi goobayaan maleeshiyaa dad ku dilay degmadaas.
Rag hubeysan ayaa shalay gelinkii hore rasaas ku furay Maqaaxi dad farabadan ay fadhiyeen oo ku taalla degmada Cabudwaaq, waxaana rasaastaas ku geeriyooday laba ruux oo aad looga yaqaanay degmada, iyadoo raggii falkaasi geystay ay goobta isaga baxsadeen.
Wararka laga helayo degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxaay sheegayaan in Ciidamada Booliska Haramcad oo kaashanaya Ciidamada booliska degmada Cabudwaaq ay Xaafadaha degmadaas iyo degaannada ku dhow dhow ka wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.
Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Galgaduud Korneyl Dhagahoor ayaa sheegay in Ciidamada aysan joojin doonin howlgalka ilaa iyo inta ay gacanta uga soo dhigayaan dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay labada Ruux ee Shacabka ahaa.
Dilal la xiriira aanooyin qabiil ayaa horay waxay uga dhaceen tuulooyin hoostaga degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, waxaana jirtay heshiis la dhex-dhigay beelaha dagaalamay, wallow dagaalkooda uu yahay mid soo laab laabtay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here