Ciidamada Amaanka Soomaaliya oo Muqdisho ku soo bandhigay hub ay Gacanta ku dhigeen

Howlgal xalay xilli dambe Ciidamada Sirdoonka Caasimadda ee qeybta ka ah Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya NISA ay ka fuliyeen Xaafada Oodweyne ee Degmada Dayniile gobolkan Banaadir ayaa la sheegay in lagu soo qabtay Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Hub kala duwan oo ay Wateen.
War kasoo baxay Hay’adaha Amniga Soomaaliya ayaa lagu Xaqiijiyay in raga la soo qabtay ay Al-Shabaab u qaabil sanaayeen dilalka iyo weerarada qorsheysan ee ka dhaca Magaalada muqdisho.
Sidoo kale waxaa lagu sheegay in Ha’yaddaha Amniga Caasimadu ay mar kasta diyaar u yihiin ka hor-taga Kooxaha Nabada Carqaladaynaya, ayna mar walba u mahad celinayaan shacabka Soomaaliyeed ee garab ku siiyey helida xoggaha xaasaasiga ah ee lagu badbaadinayo Maalka iyo nafta Shacabka Soomaaliyeed.
Magaalada muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar ka dhacay dilal qorsheysan iyo weeraro lala beegsado mas’uuliyiin iyo Ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana inta badan sheegta mas’uuliyada weeraradaas Ururka Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here