Ciidamada AMISOM oo la wareegaya Ammaanka goobaha doorashada ee Kismaayo

177

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa saakay laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ku aadan sidii Ciidamada nabad sugidda ee midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Magaaladaas ay ula wareegi lahaayeen Ammaanka Xarumaha la filayo inay ka dhacaan doorashooyinka Maamulka Jubbaland.
Ciidamo ka tirsan Booliska AMIOSM iyo Booliska Jubbaland ayaa qorsuhu yahay inay amniga Xarumahaas la wareegaan, sida uu shalay sheegay Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.
Musharixiinta Madaxweynaha Jubaland gaar ahaan kuwa la Magac baxay Isbeddel-doonka ayaa horay waxaa ay shaki uga muujiyeen dhinaca Amniga,isla markaana ay sheegeen inaysan ku qanacsaneyn sida ay wax uga socdaan Magaalada Kismaayo.
Shalay waxaa Magaalada Kismaayo gaaray Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM Gen. Ticabu Yilma iyo wafdi saraakiil uu hoggaaminayo,waxaana Arrimaha Ammaanka xilliyada doorashada uu kala hadlay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmad Madoobe.
Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in AMISOM iyo Jubbaland ay isku raaceen sidii loo sugi lahaa Amniga Magalada Kismaayo inta ay socdaan doorashooyinka Jubbaland,isla markaana ay ka wada qeyb qaataan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland.
Dhanka kale ,saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay in ciidamada Itoobiya gaar ahaan kuwa ku sugan Jubbooyinka ay faragelin ku sameynayaan Arrimaha doorashooyinka Jubbaland, hayeeshee waxaa warkaasi beeniyay maamulka Jubbaland.
Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka soomaaliyeed ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta kula hadlay Magalada Kismaayo ayaa sheegay in AMISOM ay sheegtay inaynan wax faragalin ah ku yeelanaynin arimaha Doorashooyinka Jubbaland loona baahan yahay in dadka wararkaas faafinaya si wadajir ah looga hortago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here