Ciidamada ammaanka ee Nigeria oo dibadbaxayaal kala eryay

Saraakiisha ammaanka ee dalka Nigeria ayaa rasaas ku kala eryay dibadbaxayaal isugu tagay waddooyinka magaalada Lagos.
Dadka mudaharaadka sameynaya ayaa ka cabanaya arxaan darro ay sheegeen inay kula kaceen booliska degmada Lekki.
Goob joogayaal ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in labo qof ay ku dhacday rasaas ay ciidamadu adeegsadeen.
Ku dhawaad muddo labo toddobaad ah ayay kumannaan ka mid ah dadweynaha Nigeria dibadbaxyo ka dhigayeen magaalada Lagos iyagoo dalbanaya in ciidamada booliska qaybtooda gaarka ah ee qaabilsan la dagaalanka burcadnimada ee (SARS) ay soo afjaraan dhibaatooyin ay ka mid yihiin jirdil iyo khaarijin.
Waaxdan booliska ayaa la kala diray 11-kii bishan balse waxaa weli sii socdo dibadbaxyada oo lagu dalbanaya isbeddelo dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here