Ciidamada Ammaanka ee Sri Lanka oo heegan sare la geliyay

Saraakiisha ammaanka ee dalka Sri Lanka ayaa heegan sare la geliyay kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in kooxda la magacbaxday khilaafada islaamiga ee ISIS ay weeraro kale qorsheynayso.
Ciidamada ammaanka ayaa intaasi ku daray in dagaalyahaanada ISIS ay qaraxyo geysan karaan iyagoo ku labisan dareeska militariga.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ISIS ay sheegatay mas’uuliyadda qaraxyo ka dhacay Sri Lanka oo ay ku dhinteen 253 qof halka 500 oo kalena ay dhaawacmeen.
Dhanka kale madaxweynaha Sri Lanka , Maithripala Sirisena ayaa ku dhawaaqay amar lagu mamnuucayo isticmaasha indhashareerka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here