Ciidamada ammaanka oo baaraya shil ay dad ku dhinteen

Saraakiisha ammaanka ayaa guda galay baaritaano ku aaddan waxa sababay shil galinkii dambe ee shalay ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Eldoret iyo Webuye.
Waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan toddobo qof halka ay dhaawacmeen 14 kale.
Wararka ayaa intaa ku daraya in shilka uu ka dhacay goob ay dad badan ku ganacsanayeen kaddib markii uu mid ka mid ah baabuurta xamuulka wadada ka baxay.
Dadka ku dhintay shilkan ayaa ku sugnaa wadada agagaarkeeda.
Taliyaha booliska ismaamulka Kakamega James Ngetich ayaa wuxuu sheegay in darawalka baabuurka xamuulka uu lumiyay xakameynta gaariga .
Taliye Ngetich ayaa sido kale xusay in gaariga uu burbur u gaystay suuqa ganacsatada.
Sido kale waxaa shilkaas uu saameyn ka soo gaaray gawaari kale oo adeegsanaysay wadada uu shilka ka dhacay.
Gaariga xamuulka ee shilka sababay ayaa ku sii jeeday Webuye.
Dadka ku dhaawacmay shilkaas ayaa loola cararay isbitaalka deegaanka Webuye si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here