Ciidamada ammaanka oo baaraya shil ka dhacay wadada xiriirisa Narok iyo Mai Mahiu

Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Narok ayaa guda galay baaritaano la xiriira shil galinkii hore ee shalay ka dhacay inta u dhexeysa Narok iyo Mai Mahiu.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in afar qof ay shilkaas ku dhinteen halka afar kalena ku dhaawacmeen.
Shilka ayaa u dhexeyay mid ka mid ah baabuurta ay dadweynaha ku safraan ee loo yaqaano mataatuuda iyo gaari xamuul.
Labadan baabuur ayaa isku dhacay xilli ay marayeen goobta loo yaqaano Stima Ntulele .
Taliyaha booliska ee bariga Narok ,Mwenda Muthama ayaa warbaahinta u sheegay in baabuurka xamuulka oo xilligaas ku wajahnaa Mai Mahiu si xowli ah loo waday ka hor inta darawalka uusan xakameynta gaariga lumin.
Mataatuuda ayaa ka timid Mai Mahiu waxayna u socotay dhanka Narok.
Afar ka mid ah dadkii saarnaa mataatuuda oo uu wadihii ka mid yahay ayaa isla goobta ku dhintay iyadoo dhaawaca kale ee halista ah la geeyay isbitaalka weyn ee ismaamulka Narok.
Wararka ayaa intaa ku daraya in darawalkii baabuurka xamuulka uu shilka kaddib goobta ka baxsaday oo ay ciidamada ammaanka weli raadinayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here