Ciidamada Ammaanka Somalia oo Gacanta ku dhigay Askari dil geystay

Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya qeybta Galmudug ayaa ku guuleystay inay Magalada Dhuusamareeb kasoo qabtaan Askari dhawaan qof Shacab ahaa ku dilay Magalada Baladweyne ee G/ Hiiraan kaas oo baxsad ahaa.
Taliya guutada 13-aad qeybta 21aad Gaashaanle Cabdiraxmaan Macalin Maxamuud (Timadheere) ayaa u mahadceliyay taliska Nisa ee ku guuleytay inay gacanta ku dhigaan gacan ku dhiiglaha Dhowaan Baladweyne dilka ka geystay kaasi oo Ciidanka Ammaanka qabteen, isaga oo Baxsad ah
Taliyaha ayaa Eedeysanaha ka Gudoomey Saraakiisha NISA ee Dhuusamareeb waxa uuna Balan qaadey in Qaybta 21-aad ay ku Wareejin doonto Taliska Qaybta 27-aad oo Marin doonna Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ee Qaybta 27-aad.
Iskaashiga Dhinaca amniga ee ka Dhexeeya Hey’adaha Amniga ee Galmudug iyo Hirshabelle ayaa fudueeyay in gacanta lagu dhigo Askariga dilka ka geystay Baladweyne ,waxaana hay’adaha Amniga ay sheegen in la maxkamadeyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here