Ciidamada Azerbaijan oo gudaha u galay degmo lagu wareejiyay Armenia

Ciidamada Azerbaijan ayaa sheegay inay gudaha u galeen degmada Aghdam oo ka mid ah saddex degmooyin oo lagu wareejin rabay Armenia.
Tani ayaa ka danbeesay ka dib heshiis uu garwadeen ka ahaa Ruushka oo ay kala saxiixdeen labada dal si loo soo afjaro colaadda ka taagan gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.
Degmadan ayaa 30 sanno waxaa gacanta ku haysay Armenia.
Heshiiskii isbuucii hore ayaa qeyb ka ahaa in Armenia ay wareejiso 10-20 boqolkiiba dhulka gobolka Nagorno-Karabakh oo ay dagaal ku qabsatay Azerbaijan, waxaana ka mid ah magaalada taariikhiga ah ee Shusha.
Armenia ayaa sidoo kale wareejin doonta degmada Kalbajar 25-ka bishan halka 1-da Disembar ay wareejinayso degmada Lachin.
Xiisaha labada dal ayaa bilowday 27-kii Sebtembar markaas oo ciidamada labada dhinac ay ku dagaalameen gobolka Nagorno-Karabakh.
Nagorno-Karabakh ayaa ku yaalaa dalka Azerbaijan balse waxaa sannado haystay qowmiyadda Armenia.
Dagaalka oo socday lix toddobaad ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 1,000 qof, oo ay ka mid yihiin rayid labada dhinac ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here