Ciidamada Booliska Galmudug oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Howlgallo Amniga lagu Xaqiijinayay waxaa ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa degaannada Bali Sonkor iyo Laama Wayne oo dhamaantood hoostaga degmada Cabudwaaq Ee Gobolka Galgaduud.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in Howlgalkaan uu jawaab u yahay isbaarooyin sharci darro ah oo xilliyada habeenkii lacago looga qaadayo Gaadiidka u kala Socdaala Cabudwaaq iyo Gaalkacyo.
Ciidamada Booliska Galmudug ayaa waxaa la sheegay inay Wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Cabudwaaq la qaadeen maleeshiyaadkii isbaarooyinka dhigtay.
Howgalka ayaa waxaa Hogaaminayay Taliye kuxigeenka Booliska Ee Qeybta Gobolka Galgaduud G/Dhexe Cabdi iyo Taliyaasha Saldhigyada Booliska Ee Cabudwaaq iyo Cadaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here