Ciidamada booliska Manadera oo ka hor tagay weerar

Laamaha ammaanka ee ismaamul goboleedka Mandera ayaa ka hor tagay isku day weerar oo lagu doonayay in lagu qaado saldhig boolis oo ku yaala degmada Olla ee Mandera.
Booliska Mandera oo xaqiijiyay weerarkan ayaa sheegay in kooxda lagu tuhunsan yahay inay ka tirsanyihiin Al Shabaab ay beegsadeen birta isgaarsiinta ee Safaaricom ayna ku guul daraysteen inay weeraraan xarun ciidan.
Booliska ayaa sheegay in ay si weyn uga hor tageen dableyda hubaysan oo qorsheynayay weerar halis ah.
Usbuucyadii la soo dhaafay qeyb ka mid ah dalka ayaa lagu qaaday weerar ay dad ku dhinteen kaasi oo ay sheegatay kooxda Al Shabaab.
Waxaa feejigaan dheeraad ah la galiyay ciidamada ka hawlgal gobolka waqooyi bari ee dalka iyadoo looga hor tagaayo weeraro ay damacsan yihiin xarakada Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here