Ciidamada booliska oo 7 qof oo burcad ah ku dilay Kajiado

7 qof oo looga shakisanyahay fal tuugnimo ayaa lagu dilay ismaamulka Kajiado gaar ahaana xaafada isinya.
Booliska ayaa sheegay in burcadaasi ay ka soo safraan Nairobi iyagoona gaystay fal dhac ah.
Ragga laga taqalusay ayay ciidamada booliska sheegeen inay wateen hub kala duwan oo ay dadka ku dhacayeen.
Ciidamada ayaa toogasho ku dilay raggaasi abaare 1.30 aroornimo ee saaka.
Sido kale booliska ayaa sheegay xilikii la dilayay tuugadaas ay ku guda jireen fal dhac ah.
Ma ahan markii ugu horaysay oo sidan oo kale ay ciidamada u dilaan burcadda dadka u gaysta xatooyadda .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here