Ciidamada Booliska Ruiru oo qabtay lacago Faalis ah

Ciidamada Booliska Ruiru ayaa hawlgalo ay sameeyeen waxaa ay ku soo xireen 3 qof oo dumar ahaa kuwaas oo lagu qabtay lacago faalis ah ama Fake.
lacagta oo ahayd Euro ayaa Booliska waxaa ay ka heleen guri ku yaala Xaafada Githurai Kimbo.
magacyada haweenkan lagu qabtay lacagta ayaa kala ah Rose Wambui, Mary Muthoni iyo Tabitha Muhuha .
Taliyaha ciidamada Booliska Kiambu Ali Nuno ayaa sheegay in saraakiisha ay qabteen kiimikooyin loo adeegsaday hagaajinta lacagaha beenta ah.
waxaa uu shacabka uga digay lacagaha faaliska ah ama Faka in ay qaataan’isagoona intaasi ku daray inay jiri karaan lacago kale oo noocan ah oo suuqa lagu hayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here