Ciidamada dalka Myanmar oo 6 qof ku dilay gobolka Rakhine

Saraakiisha militariga ee dalka Myanmar ayaa lagu soo warramayaa inay ugu yaraan 6 qof ku toogteen gobolka galbeed ee Rakhine
Afhayeen u halday militariga wadankaasi laguna magacaabo Zaw Min Tun ayaa sheegay in sido kale booliska ay xireen 275 qof xiili la raadinayay xubno la rumeysanyahay inay ka tirsanyihiin fallaagada Arakan .
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka dilka uu u dhacay balse militariga ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamadu ay rasaas fureen kaddib isku dhacyo dhexmaray iyaga iyo dadka ku nool tuulo gobolkaasi ka tirsan oo isku dayay inay soo badbaadiyaan shakhsiyaad ay saraakiisha gacanta ku dhigeen.
Gobolka Rakhine ayaa indhaha caalamka soo jiitay bishii sideedaad ee sannadkii 2017-kii xilligaasi oo howlgalo militari kaddib ay halkaasi ka barakaceen 740,000 qof oo ka mid ah bulshada laga tirada badanyahay ee Rohingya kuwaasoo u cararay dhanka dalka dariska la ah ee Bangladesh.
Qaramada midoobay ayaa howlgaladaasi ku tilmaantay isir sifeyn qaabeysan waxayna dalbatay in lagula xisaabtamo saraakiisha sar sare ee militariga Myanmar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here