Ciidamada dawladda Libya oo qabsaday garoonka istiraatijiyada ah ee al-Watiya

Xukuumadda Libya ee caalamka laga aqoonsan yahay ayaa sheegtay in ay garoonka istiraatiijiyada ee al-Watiya ka qabsadeen ciidamada daacadda u ah jeneraal Khalifa Xaftar.
War qoraal oo uu ku soo qoray bartiisa twiitarka ayuu afhayeenka militiriga, Maxamad Gnunu ku sheegay in ciidamada ay la wareegeen dhamaan garoonka oo u dhaw xadka Tunisia.
Hadalkan ka soo yeeray xukuumadda ra’iisul wasaare Fayez al-Sarraj ayaa imaanaya bil dhan oo dagaal lagu hayay ciidamada falaagada jeneraal Khalifa Xaftar oo laga saarayay xeebta Galbeed ee Libya.
Xaftar ayaa bishii April weerar ku soo qaaady caasimadda Tripoli waxaana ku dhintay in ka badan 1,000 qof.
Qabsashada garoonka al-Watiya ayaa la sheegay in ay muhiim u tahay militiriga dawladda ay caalamka aqoonsantahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here