Ciidamada dawladda Liibiya oo weeraray militiriga Xaftar

Ciidamada dawladda Libya ee uu caalamka aqoonsan yahay ayaa maanta sheegtay inay weerar dhanka cirka ah ku qaadeen falaagada jeneraal Khalifa Xaftar aaga magaalada Sirte oo 450 kilomitar kaga beegan bariga caasimadda Tripoli.
War qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka militiriga Libya Maxamad Gonono ayuu ku sheegay in afar duqeeyn oo dhanka cirka ah ay ka fuliyaen Koonfurta magaalada Sirte isla markaana ay ku bur buriyeen baabuurta dagaalka ee ciidamada.
Waxaa uu qoraalku intaa ku darayaa in duqeeyntaasi lagu dilay laguna dhaawacay 5 kamid ah ciidamada daacadda u ah jenaaral Khalifa Xaftar.
Ciidamadan ayaa tan iyo bishii Abril ee sannadkii hore weeraro kala duwan ku soo qaadayay caasimada Tripoli si ay ugala wareegaan gacanta ciidamadda dawladda uu caalamka aqoonsan yahay.
Dagaalada ayaa waxaa ku naf waayay kumanaan qof halka in ka badan 150,000 ay ka qaxeen guryahooda.
Shalay ayay ciidamadda dawladda sheegeen inay la wareegeen garoonka istiraatijiga ee al-Watiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here