Ciidamada dawladda uu caalamka aqoonsanyahay ee Libya oo si buuxda gacanta ugu dhigay caasimadda Tripoli

Xooggaga u dagaalamaya dawladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Libya ayaa sheegay in ay si buuxda gacanta ugu dhigeen caasimadda Tripoli.
War qoraal ah oo maanta ka soo baxay ciidamadda dawladda ayaa lagu sheegay inay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalooyinka ku hareereeysan Tripoli.
Dhanka kale, ciidamadda daacadda u ah Jeneraal Khalifa Xaftar ayaa sheegaya in ay maanta oo khamiis ah dhammeyn doonaan ka bixitaankooda degmooyinka Tripoli ee Ain Zara, Abu Salim iyo Qasr bin Ghashir iyagoo ku sii jeeda magaalada u dhow halka ay heystaan.
Militiriga dowladda uu caalamka aqoonsan yahay ayaa Arbacadii qabsaday garoonka caalamiga diyaaradaha ee Tripoli halkaas oo tan iyo sannadkii 2014-kii ay gacanta ku hayeen maleeshiyadda daacadda u ah Xaftar.
Guulaha militariga ayaa yimid kadib weeraro isdaba joog ah oo isbuucyadii la soo dhaafay lagu qaaday ciidamada Khalifa Xaftar.
Xaftar oo taageero ka hela Imaaraadka, Masar iyo Ruushka ayaa ku guul dareestay gacan ku dhigidda caasimadda Tripoli.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here