Ciidamada DCI-da oo gacanta ku dhigay 44 dhallinyaro ah

Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI ayaa xalay xiray 44 da’yar oo ay da’doodu u dhaxayso 14 ilaa 17 sano.
Waxay isugu jiraan 26 wiil iyo 18 gabdho ah.
DCI ayaa barteeda rasmiga ee Twittarka ku sheegtay in shakhsiyaadkan la qabtay xilli ay ku sugnayeen guri ku yaalla xaafadda Mountain View Estate ee magaalada Nairobi.
Waxaa lala soo xiray haweeneyda deggan gurigaas oo lagu magacaabo Millicent Kithinji oo ay da’deedu tahay 41.
Haweeneydan ayaa waxaa hadda su’aalo weydiinaya ciidamada dambi baarista ee deegaanka Dagoretti waxayna booliska ku dadaalayaan in la ogaado sababta ay dhallinyarada u martigelisay iyo qaabka ay gurigeeda ku tageen.
Saraakiisha ayaa sidoo kale howlgalka ku soo helay noocyada kala duwan ee daroogada khamriga iyo xashiishka.
Waaxda oo sheegtay in dhallinyaradan ay dhigtaan dugsiyada hoose dhexe iyo dugsiyada sare ayaa ka digtay in tallaabo adag oo sharciyeed laga qaadaya cidii carruurta si aan habbooneyn u adeegsato.
DCI ayaa dhanka kale waalidiinta ka codsatay in ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa carruurtooda marka ay guriyaha ku sugan yihiin iyo sidoo kale qaabka ay u isticmaalaan baraha bulshada.

Baaritaanada hor dhaca ah ayaa muujinaya in dhallinyaradan ay ka soo jeedaan ismaamullada Nairobi, Kiambu iyo Machakos waxaana lala xiriiray waalidiintooda si wax looga weydiiyo qaabka ay carruurtooda ku soo safreen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here