Ciidamada DCI-da oo gacanta ku dhigay Nin dilay haweenay

Nin lagu magacaabo Leonard Kamanga Kamau oo 21 jir ah ayaa saaka waxaa gacanta ku dhigay ciidamada dambi baarista dalka ee DCI-da kaddib markii lagu eedeeyay inuu 19-kii bishii Maarso ee sannadkan uu dilay haweenay lagu magacaabo Tabitha Wanjiku.
Haweenaydan ayaa lagu dilay xaafadda Umoja One ee ku taala magaaladatan Nairobi.
Gabadhan laga taqalusay oo 25 sano jir ahayd ayaa meydkeeda la helay iyada oo cunaha mindi la kaga dhuftay.
Tan iyo markaas ciidamada dambi baarista ee dalka ayaa ku daba jiray Leonard Kamanga Kamau kaas oo ku guulaystay inuu u baxsado dhanka Mombasa balse ugu dambeyn maanta lagu qabtay Nairobi.
Dambiilahan ayaa lagu haya saldhigga dambi baarista ee Buruburu Nairobi isagoona lagu sameynaya baaritaano si loogu soo oogo dacwad ka dhan ah dil.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here