Ciidamada difaaca ee Lubnaan iyo taagerayaasha Xizbullah oo isku dhacay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beirut ee dalka Lubnaan ayaa sheegaya in halkaasi iska hor imaad uu ku dhex maray taageerayaasha kooxda Xizbullah iyo saraakiisha gaashaandhigga ee wadankaas.
Boqolaal dhalinyaro ah oo adeegsanayay mootooyin ayay ciidamadu ku kala eryeen sunta dadka ka ilimeysiisa.
Dadkan ayaa muujinayay sida ay uga xunyihiin muuqaal la sheegay in Shiicada Lubnaan ay qoonsatay.
Waddooyinka ayay taayarro ku gubeen iyagoo dhagaxaan ku tuurayay ciidamada.
Lubnaan ayay dibadbaxyo ka jireen tan iyo 17-kii bishii Tobnaad ee sannadkan waxyaabaha ay dadweynaha ka cabanayaan waxaa ka mid ah maamul xumo ay sheegayaan inay halkaas ka jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here