Ciidamada dowlada iyo Al-Shabaab oo Shabeellada hoose ku dagaalamay

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan inuu halkaa Dagaalka ku dhexmaray Ciidanka Xoogga Soomaaliya iyo Dagaalameyaasha Al-shababa.
Dagaalkaan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose halkaasoo ay Milatariga Soomaaliya ku leeyihiin Saldhigyo, waxaana uu dhex-maray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Warka ayaa intaas ku daraya inuu Dagaalku yimid, kaddib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada dowladda ee Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo dhex-maray labada dhinac.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta Gudaha waxaay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsaneyeen labada dhinac,basle weli aan la Xaqiijin khasaaraha ka dhasay, hayeeshee saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaay sheegeen inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab sy ku doo wssdeen Fariisimahooda shabeelada hoose, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen.
Al-Shabaab ayaa warar ay ku baahiyeen Baraha ay ku leeyihiin Internet- ku sheegay in weeraro ay ku qaadeen degaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose ay gudaha u galeen degaanadaas, inkastoo aan weli la helin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya degaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaay sheegayaan in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay halkaasi ka wadaan howlgallo kala duwan oo Amniga deegaanadaas lagu xaqiijinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here