Ciidamada Dowlada oo Howlaglo ka wada duleedka Marko.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan guutada 14 Oktoobar ayaa lagu soo waramayaa inay Maanta howlgallo AL-shabaab ka dhan ah ka wadaan agaarka degaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeellada hoose,halkaasoo ay Saldhigyo ku leeyihiin Dagaalmaeyaasha Ururka Al-Shabaab ciidamada dowladuna ay xalay weerar kuq aadeen.
Howlgalkaan xalay soo bilaawday ayaa intii uu socday waxaa jiray waxay in Ciidamada Xooggu xalay agagaarka degaanka Jilib Marka dagaal xoogan kula galeen Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda oo hwolgalkaas hoggaamineysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay dileen ugu yaraan Lix xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab,isla markaana ay kala wareegay Hub iyo Saanad Millitari.
Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay burburiyeen fariisimo AL-shabaab sidoo kalena ay Gacanta ku dhigeen xubno ururkaas ka tirsan.
Sidoo kale Saraakiisha ayaa intaasi ku daray inay weli halkaasi ka wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab,xilli Maalinta Barri oo Sabti ah uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre ku wajahan yahay Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Diyaar garoow weyn oo ku aadan soo dhawaynta Ra’isulwasaaraha ayaa laga dareemayaa Magalada Marka,waxaana lagu arkayaa Goobaha qaar Boorar uu ku dhegan yahay sawirka Raiisul Wasaaraha oo la suray,halka wadooyinka qaarkood lagu dhejiyay Calanka Soomaaliya iyo kan maamulka Koonfur Galbeed.
Ammaanka Magalada Marka ee xarunta gobolka shabeelada hoose ayaa aad loo adkeeyay,waxana amniga xaqiijinaya Ciidamada Millateriga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Guutada 14-ka October,kuwaas oo gacanta ku haaya Magalada Marka kadib markii ay bilooyin ka hor halkaas ka saareen AL-shabab
Saacadaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa in Magalada Marka ay gaaraan wafdi horudhac u ah Safarka Ra’iisul Wasaaraha, oo isugu jira dowladda dhexe iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here