Ciidamada dowlada Soomaaliya oo gacanta ku dhigay rag Wiil dhalinyaro ah Muqdisho ku dilay

Laamaha Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay gacanta ku dhigeen Rag Magaalada Muqdisho ku dilay Wiil dhalinyaro ahaa xilli ay doonayeen inay dhac u geystaan.
Raggaan oo laba ahaa ayaa xilli habeen ahayd waxaaay Xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid Magaalada 21-kii Bishii June ku dileen Cabduqaadir Cabdullahi Goosaar,xilli ay doonayeen inay ka dhacaan Mootada labada lug leh ee loo yaqaano Fekenta, iyagoo xilligaasi baxsaday.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa waxaay sheegeen in baaritaan dheer oo la sameeyay kadib ay suurtagashay in gacanta lagu soo dhigo labadii Nin ee dilkaasi geystay iyo mootadii ay ka dhaceen Wiilka ay dileen oo la sheegay inay iibsadeen,balse la soo celiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here