Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo waxyaabaha qarxa soo bandhigay.

Milatariga Somalia gaar ahaan Ururka Shanaad ee Ciidamada DANAB ayaa waxay howlgallo Miino baaris ah ka sameeyeen degaannada Koban iyo Bangeen oo ka wada tirsan Gobolka Jubbada hoose waxay ku Soo Heleen waxyaabaha qarxa.
Saraakiil Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxay sheegeen inay howl-galkaasi ku dileen Afar xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, halka tiro intaasi ka badanna lagu dhaawacay.
Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkaas lagu soo saaray miinoo dhowr ah oo lagu Aasay deegaannada Koban iyo Bangeen,kuwaasoo la doonayay in dadka lagu dhibaateeyo sida ay Sheegeen Milatariga Soomaaliya.
Wadada xiriirisa deegaannada Koban iyo Bangeen ee gobolka Jubada Hoose ayaay ciidamada Dowlada Soomaaliya waxay ka wadaan howlaglo,waxayna saraakiisha Ciidamada Dowladdu sheegeen inay howlagadaasi ay sii wadayaan.
Dhanka kale wararka ka imaanaya gobolka shabeellada hoose ayaa sheegay inuu halkaas dagaal ku dhexmaray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo Dagaalameyaasha AL-shabaab.
deegaanka Jiira-shaan oo hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu saaka dagaalka dhacay ayna ciidamada Milatariga ee Soomaaliya ka wadaan howlgalo amaanka la xiriira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here