Ciidamada dowlada Soomaaliya oo weeraray Fariisin ay duleedka Magaalada Marko AL-shabab ku lahaayeen.

Warka ka imaanaya gobolka Shabeelada Hoose ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in duleedka Magalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose uu Xalay Dagaal ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa sida la sheegay yimid, kadib markii Ciidamada Millateriga Soomaaliya gaar ahaan Guutada 14-ka Octooper ay weerareen deegaanka Jilib Marka ee duleedka degmada Marka,halkaasoo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo sida la sheegay in mudo ah Socday.
Agaasimaha Fanka iyo Suugaanta ee Maamulka Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la filayo in uu dhawaan tago Magalada Marka ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Dowladdu ay weerarka ku qaadeen deegaanka Jilib Marka oo ay Shabaab ku sugnaayeen,isla markaana howlgalkaas uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay.
Inta la xaqiijiyay ilaa 5 Ruux ayaa la sheegay in dagaalkaas duleedka Marka ku dhexmaray Ciidamada Dowladda & xubnahaUrurka Al-Shabaab ay ku geerioyoodeen tira kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo u badan dhinacyada dagaalamay.
Wararkii ugu dambeeyay ee saakay aan ka heleymo Magalada Marka ee xarunta gobolka shabeelada hoose iyo duleedkeeda ayaa waxay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay wadaan howlgallo kala duwan oo Amniga Magaaladaas iyo agagaarkeeda lagu xaqiijinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here