Ciidamada India oo dagaalyahano hubeysan ku dilay magaalada ugu weyn Kashmir

Saddex dagaalyahan ayaa lagu dilay israsaaseyn ay la galeen ciidamada dowladda India oo ku sugnaa magaalada ugu weyn Kashmir ee Srinagar sida ay booliska sheegeen axadii.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa labo maalmood kadib markii sideed fallaagadaasi ka mid ah lagu dilay dagaal kale.
New Delhi ayaa sare u qaadday howlgalada milatari ee dhulka lagu muransan yahay tan iyo markii xayiraaddaha koroona lagu soo rogay dabayaaqadii bishii Maarso.
Kashmir qaybta ay maamusho India ayaa waxaa ay ku jirtay hawl galo amni tan iyo bishii Agosto ee sanadkii hore markii gobolka ay muslimiinta ugu badan yihiin lagala noqday gooni isutaagoodi.
Hal guri ayaa la burburiyay intii uu socday isku dhaca.
Tani wuxuu ahaa dagaalkii labaad ee noocan oo kale ah ee ka dhaca magaalada qadiimiga ah hal toddobaad gudaheed ah waxaana ku dhintey ugu yaraan 100 dagaal yahan sanadkan. In ka badan 30 fallaago ayaa la dilay 20-kii maalmood ee la soo dhaafay, sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here