Ciidamada Israa’iil oo dilay qof u dhashay Falastiin

Saraakiisha ammaanka ee Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa inay toogteen mid ka mid ah muwaadiniinta wadanka Falastiin.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay daanta galbeed.
Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Bilal Rawajba, ayay wararku sheegayaan inuu ka mid ahaa ciidamada ammaanka ee Falastiin.
Israa’iil ayaa dhankeeda sheegaysa in isaga uu rasaas furay kaddibna la toogtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here