Ciidamada KDF oo 5 ka tirsan Al-Shabaab ku dilay Soomaaliya

Ciidamada difaaca dalka ee KDF ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in shalay ay 5 ka tirsan Al-Shabaab kaga takhaluseen degmada Bilis Qooqaani ee jubbada hoose ee dalka soomaaliya kaddib weerar fashilmay.
Wasaaradda gaashaan dhigga ee dalka ayaa shaaca ka qaadday in ku dhawaad 20 xubnood oo dagaalyahaannada ka mid ah ay abaare 12:30 habeenimo saldhigga SSF ka soo weerareen saddex dhinac.
Saraakiisha KDF ee qeybta ka ah howlgalka nabad sugidda midowga Afrika ee AMISOM ayaa isla markiiba falcelin sameeyay.
Kaddib rasaas la isweydaarsaday , ciidamada ayaa dilay 5 xubnood oo Al-Shabaab ah waxayna sido kale gacanta ku dhigeen 5 ka mid ah nooca qoryaha ee loo yaqaano AK47 iyo xirmooyin dhowr oo rasaas ah.
Afhayeenka ciidamada difaaca dalka Colonel Zipporah Kioko ayaa sheegtay inay sii xoojinayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Dhanka kale barasaabka ismaamulka Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud oo ay wehelinayaan xildhibaanka deegaanka bariga Wajeer Rashiid Qaasim Aamiin, xoghayaha sare ee wasaaradda arrimaha deegaanka u qaabilsan dhanka maamulka Maxamad Ibraahim Cilmi , qareenka lagu magacaabo Aadan Daauud iyo saraakiisha ammaanka ayaa gaaray Qorof Xaraar kaddin weerar dhawaan laga gaystay halkaas.
Guddoomiyaha ayaa ciidamada ammaanka uga mahadceliyay falcelin degdeg ah oo ay bixiyeen taaso ay isaga caabiyeen xubno looga shakiyay Al-Shabaab.
Sido kale shacabka ayuu ugu baaqay inay feejignaan muujiyaan oo aynan u nuglaan cabsi gelinta cadowga.
Jimcihii ayay ahayd markii maleeshiyo ay weerar ku soo qaadday magaalada Qorof Xaraar halkaas oo ay ku burburiyeen mid ka mid ah anteenooyinka isgaarsiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here