Ciidamada Kilifi oo baaraya shil halkaasi ka dhacay

Laamaha ammaanka ee ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta ayaa guda galay baaritaano ku aaddan sababta keentay shil halkaasi shalay subax ka dhacay.
Taliyaha saldhigga booliska ee Kilifi Patrick Okeri ayaa warbaahinta u sheegay inay weli ku howlanyihiin inay xaqiijiyaan sidii uu shillkaasi ku yimid.
Waxaa dhacdadaasi ku nafwaayay ugu yaraan 8 qof halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen.
6 ka mid ah dadka dhintay ayaa ku nafwaayay isla goobta halka 2-da kalena ay dhinteen iyagoo la daaweynayo.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in shilku uu ka dhashay shan baabuur oo isku dhacay.
Toban ka mid ah dhaawaca ayaa la dhigay isbitaalka Mariakani halka 5 ay xaaladooda liidato loo sii qaaday isbitaalka guud ee gobolka xeebta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here