Ciidamada Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Gobolka Bakool

Waxay Faahfaahino dheeraad ah kasoo baxayaan dagaal u dhaxeeyay ciidamada amaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,oo ka dhacay gobolka Bakool.
Dagaalka ayaa bilowday, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Koonfur Galbeed ku leeyihiin banaanka degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo saacado ah socday sida ay warbaahinta gudaha Soomaaliya Baahinayso.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay jireen tiro madaafiic ah oo ay is weeydaarsadeen labada dhinac ee dagaalku dhexmaray.
Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka dhexmaray Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed & Al-Shabaab, waxaana Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaag yimid dhinaca dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Wararki ugu dambeeyay ee saaka ka imaanaya degmmada xudur ee Xarunta gobolka Bakool ayaa waxaay sheegayaan in Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed ay duleedka degmadaasi ka wadaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here