Ciidamada maamulka Puntland oo howlgalo fuliyay

Ciidamada booliska badda Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland PMPF ayaa howlgallo qorshaysan ka Fuliyay deegaamo katirsan gobolada Bari iyo Sanaaag ka dib markii ay soo baxeen warar sheegayay in Al-Shabaab ay doonayaan inay hub kala soo degaan deegaanada xeebaha gobolada bari iyo Sanaag.
Howlgalka ayaa ka dhacay deegaano dhowr ah oo ay ka mid yihiin Togga Warbad ,Sanqalooc , Beeraha hays, Jaanka Ceelaayo, Biyo cad, Wadada Habaarwaali iyo Dhagcaan oo dhammaan ka tirsan dhulka xeebta teedsan ee Gobolada Bari -Sanaag.
Ciidanka waxay sheegeen inay heleen xog ku saabsan abaabulka Al-Shabaab iyo Daacish ee gobolka Bari oo ay doonayaan inay qaadaan weeraro ka dhan ah Saldhigyada Ciidanka Puntland deegaanadaas ku leeyighiin sidoo kale ay hub qarsoodi ah ugala soo dagaan dhulka Xeebaha.
Saraakiisha ciidanka hoggaaminaysa ayaa Hoosta ka Xariiqay inay sii wadi doonaan howlgaladaan ayna Gaareen goobo ay ka carareen dagaalameyaasha Daacish iyo Al-Shabaab ee Gobolada Bari iyo Sanaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here