Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya oo gaaray deegaano shabab ku sugnaayeen.

Sida ay Baahisay Warbaahinta qaranka Soomaaliyeed Ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed { NISA} ayaa gaarey Deegaanka lagu Magacaabo Barujeed ee Gobolka Galgaduud halkaasoo warbaahinta dowladu sheegtay in Koox ka tirsan argagixisada ay ku baqdin galiyeen Dadka Deegaanka.
Taliyaha Ciidamada Nabadsugida ee degmada Guriceel Maxamed Gaanyac Cabdulle oo Hugaaminayey Ciidamada Dowlada ee Halkaa gaarey ayaa xaqiijiyay in Maleeshiyaadka Alshabaab ay dib uga baxeen Deegaanka Barujeed haatana ay xaqiijiyeen Amaanka ciidamada dowalda ee halkaas gaadhay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay taliyaha in Ciidamada NISA ay si wadi doonana howlgalladaas ilaa deegaanada ku dhow dhow degmada Guriceel gobolka Galgaduud laga saarayo Xubnaha ka tirsan ururka Al-Shabaab
Dhowr Bilood ka hor ayaa amaanka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud waxaa lagu wareejiyey laamaha Amniga dowlada Soomaaliya, iyadoo muddo ka badan 10 Sano ay gacanta ku hayeen Ciidamo ka amar qaata hoggaanka Ahlusunna ee ku biirey Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here