Ciidamada Soomaaliya oo dilay xubno ka tirsan Al-Shabab

Ciidanka xoogga dalka Soomaliya gaar ahaan kuwa Danab ayaa sheegay in ay dileen Sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab ka dib markii ay dhowr jiho ka wareereen Al-Shabaabka ku sugan degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha hoose.
Saraakiisha Ciidanka Danab ayaa xaqiijiyay in Howlgalka lagu dilay Gudoomiyihii Al-shabaab ee degaanka Mubaarak iyo tiro ka tirsan xubno kale oo la socday.
Sidoo kale Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya waxa ay Howlgalka ku bur buriyeen gaari Hoomey ah oo Al-Shabaab ay kasoo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa sidda lagu sheegay warka ka soo baxay Danab.
Sarkaalka lagu dilay howlgalkaasi ayaa lagu magacabaa Sheekh Cabdullaahi Gaare oo ahaa gudoomiyihii degaanka Mubaarak.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhankooda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here