Ciidamada Xoogga iyo AL-shabaab oo ku dagaalamay shabeellada dhexe.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab ayaa Lagu Soo waramayaa inay xalay ku dagaalameen gobolka shabeelada dexe.
Dagaalkaan ayaa ka dhacay Saldhig Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Xeradii hore ee Hiilweyne oo ku taalla duleedka Waqooyi ee degmada Balcad.
Wuxuuna yimid,kaddib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Xerada Hiilweyne oo ku taalla wadada Xiriirisa Magalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya iyo degmada Balcad ee gobolka shabeelada dhexe,halkaas ay saldhig ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya.
Wararkii ugu danbeeyay ee saaka halkaas laga helayo ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ilaa shan ruux oo kala ahaa laba Haween ah oo Shaah ku iibinayey Xerada agteeda iyo Saddex Askari oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga ay ku geeriyoodeen tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada Xoogga ee gobolkaas ku sugan weli kama hadlin dagaalka xalay Xerada Hiilweyne ku dhex-marey Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.
Wararkii ugu danbeeyay ee saakay naga soo gaarey Gobolka shabeellada dhexe gaar ahaa degmada Balcad ayaa waxaay sheegayaan in xaaladu ay degan,isla markaana dhamaan deegaanadaas ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda oo halkaas ka wada dhaq dhaqaaqyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here