Ciidamo boolis ah oo lagu dilay waqooyga Sinai ee dalka Masar

Toddoba sarkaal oo boolis ah ayaa lagu dilay weerar ka dhacay Waqooyiga Siinaay ee dalka Masar, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha dalkaas.
Weerarka oo ka dhacay meel u dhow magaalada caasimad goboleedka ah ee El-Arish ayaa lala beegsaday xarun ay isugu yimaadaan booliska, sida ay sheegtay wasaaradda.
Afar ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday ayaa sidoo kale la dilay kadib isku dhac dhacay weerarka kadib. Mid ka mid ah dadkaas ayaa dhintay kadib markii uu qarxiyey jaakad ay walxaha qarxa ku jireen oo uu xirnaa.
Masar ayaa iminka ku jirta feejignaan sare ayada oo marti gelineysa Koobka Qaramada Afrika, inkasta oo wax cayaaro ah aysan ka dhaceyn Siinaay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here