Ciidamo Gadoodsan oo isaga Baxay Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Maamul goboleedka Galmudug oo xalay ka gadooday xero ay ku jireen oo ku taalla Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulkaas waxaayna Maanta gaareen Dagmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.
Ciidamadaan oo sida la sheegay wata Shan Gaari oo kuwa dagaalaka ah ayaa waxaa la sheegay i uu gadoodkooda salka ku haayo khilaaf u dhaxeeya Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi & Xildhibaanada ka mid ah kuwa laga soo doortay deegaanada Gobolka Mudug
Ciidamada ka gadooday xero ay ku sugnaayeen oo ku taalal magaalada dhuusamareeb ayaa waxaay kamid ahaayeen maleeshiyo Beeleedyadii horay ugu sugnaa Magaalada Gaalkacyo, balse Wasaaradda Amniga Galmudug ay tababartay, iyagoo noqday dufcadii ugu horeeysay ee Ciidamada daraawiishta Maamulka Galmudug.
Wararka laga helayo Dagmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inay halkaasi ku wajahan yihiin Xildhibaan Yoonis Shaare oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Qar kamid ah Odayaal Dhaqameedyada gobolka Mudug si arrintaasi xal looga gaaro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here