Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Xarumo Beledweyne ku yaala

Wararka laga helayo Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow Ciidamo ka tirsan Booliska maamulka Hir-Shabeelle oo gadoodsan ay xirteen wadooyin ku yaalla Magaaladaas. Qaar ka mid ah.
Ciidamada ayay wararku sheegayaan inay ka cabanayaan mushaar la’aan,isla markaana mudo dhowr bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah sida ay sheegeen,taasina ay keentay inay Maanta gadood sameeyaan.
Warbaahinta gudaha Soomaaliya ayaa Baahisay inay Ciidamadaas gadoodsan ay xirteen Wadada hormarto isbitaalka Baladweyne & tan kasoo baxada garoon diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magalada Baladweyne.
Ciidamadaan ayaa wadooyinka qaar waxaay ku xireen dhagxaan iyo Geedo si gaadiidka uusan u marin,waxaana lagu soo waramayaa inay taasi sababtay inuu hakad galo Gaadiidka qaar ee isgakala gooshanaya gudaha Magalada Baladweyne.
Saraakiisha Ciidamada Booliska ee deegaanada maamulka Hir-Shabeelle ku sugan gaar ahaan Magalada Baladweyne wali kama hadlin gadoodkaan ay sameeyeen Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle eek a howlgala Magaalada Baladweyne,waxaana la filayaa in ay saacadaha soo socda gaaraan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska si Ciidamadaas tabashadooda loo xaliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here