Ciidamo ka goostay Soomaaliland oo ku biiray Puntland.

Wararka ka imaanaya deegaanada ay ku muransan yihiin maamulada Puntladn iyo Soomaaliland ayaa sheegaya inay Ciidamo horay uga Tirsanaa Soomaaliland ay ku Biireen maamulka Puntland.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka puntland ayaa sheegay in saakay waaberigii hore ay kusoo biireen Ciidamo ka tirsanaa Soomaaliland,oo ka howlgeli jiray deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.
Warbaahinta Maamulka puntland ayaa soo bandhigtay sawirada Ciidamo ay sheegeen inay ahaayeen Guutadii 93-aad ee Ciidanka Somaliland kuna soo biireen dhinaca Puntland Sida ay Tilmaameen.
Ciidamadaan ayaa sida la sheegay waxaay ka howlgelayeen deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag,isla markaana uu hoggaamineyey Gaashaanle lagu Magacaabo Mustafe Siciid Toor oo taliye u ahaa ciidanka Somaliland ee degaankaasi ku sugan.
Sidoo kale Ciidamadaan la sheegay inay kasoo goosteen Soomaaliland ee ku biiray Puntland ayaa waxaa soo dhaweeyey maamulka gobolka Sanaag iyo kan degmada Badhan, oo horay Puntland ugu soo biiray.
Soomaaliland weli kama hadlin Warkaan kasoo baxay maamulka Puntland iyo Ciidamadan ay soo bandhigeen oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Soomaaliland balse ay kusoo biireen Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here