Ciidamo ka Tirsan booliska Soomaaliya oo aqoon is-waydaarsi loogu soo gabagabeeyay Beledweyne.

Tababar ku saabsan doorka Ciidammada boliiska ee illaalinta xuquuda aadanaha loona qabtay Saraakiil iyo askar ka tirsan booliska Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala deegaanada maamulka hirshabeelle ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada baladweyn  ee xarunta gobolka Hiiraan.
Tababarkaan oo Socday mudo 4 Cishe ayaa waxaa bixinayay saraakiil ka socotay Hogaanka Tababarada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxayna kula Dardaarmeen ciidankii la siinayay inay ku dhaqmaan wax ay Barteen,waxaana sidoo kale ka qayb galay gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo siyaasada ee Gobolka Hiiraan.
Taliyaha Saldhiga ciidanka Booliska ee Magaalada Beledweyne Muuse Salaad Wehliye ayaa Faahfahiyay muhiimada Tabarkaan iyo waxyaabah la soo baray.

Gudoomiye ku xigeenka Maaliyada iyo Siyaasada ee maamulka Gobolka Hiiraan Xassan Ibrahim Cabdulle oo tabarkaan soo xiray ayaa sheegay inay Ciidanka Boolisku Yihiin Adeegayaasha Bulshada markastana ay u taagan yihiin ilaalinta shacabkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here