Ciidamo ku dagaalay aaga Madaxtooyada Hirshabeelle oo xal laga gaaray.

Taliska qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, saraakiisha booliska Hirshabeelle iyo maamulka Gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa ku guuleystay inay xal laga gaaraan Ciidamo ka kala tirsan booliska Hirshabeelle iyo Madaxtooyada Maamulkaas dhawaan shaqaaqo ay ku dhex martay agaarka Madaxtooyada Hir-Shabeelle ee Magaalada Jowhar.
Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Maamulka Gobalka Sh/Dhexe Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow & Guddoomiyaha Maamulka Magaalada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar Baareey ayaa ugu baaqay Ciidamada kala duwan ee ku sugan Magaalada Jowhar inay si nabad ah Magaalada kuwa joogaan,waxaana ay ku baaqeen in qaraar laga soo saaro cidda iska leh dhul Ciidamada ay ku dagaalameen.
Sidoo kale Taliyaha qeybta 27aad ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jenaraal Axmed Maxamed Tareedisho ayaa sheegay in tallaabo adag laga qaadayo askarigii ka qeyb gala dagaal qabiil, isla markaana ay maxakamadda ciidamada qalabka sida horgeyn doonaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here