Ciidamo ku soo tababartay Turkiga oo Muqdisho ka soo degay.

Kudhowaad 500 oo askari oo kamida ciidamada gaarka ah ee kumaandooska Soomaaliya oo lagusoo tababaray dalka Turkiga ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Maxamed Cali Bariise ayaa ciidamada ku bogaadiyay Tababarka ay Soo qaateen mudadii ay ku sugnaayeen dalka Turkiga wuxuuna ku soo dhaweeyay dalkooda Hooyo.

Wasiirka wasaarada Difaaca ee dowlada Fedraalka Soomaaliya Xassan Cali Maxamed Amardanbe ayaa sheegay in ciidamada dowlada Turkiga Soomaaliya ay u Tababartay ay kaalin Muhiim ah ka qaateen howlgalada Guud aha aka socda dalka Sidoo kalena wuxuu xusay in hogaanka Ciidanka iyo kan Wasaarada Gaashaandhiguba yihiin rag dhalinyaro ah oo laga sugayo samatabixinta dalkooda Hooyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here