Ciidamo lagu dilay dalka Maraykanka

Labo ciidamo oo booliis ah ayaa la toogtay, xilli ay kumannaa qof ay isugu soo baxeen magaalada Louisville ka dib markii garsoore maxkamadeed uu go’aamiyay in cidna aan loo maxkamaadeyn doonin geeridii Breonna Taylor oo ahayd gabadh madow ah.
Gabadhan madowga ahayd ayaa waxaa la dilay bishii March ee sanadkan.
Askarigan lagu magacaabo Brett Hankison ayaan lagu soo oogaay daacwad aan ahayn dhimasahada Ms Taylor, balse lagu soo oogay dacwad ahayd in uu halis galiyay dhismaha dad daris ah la ahaa ka dib markii uu rasaas ku furay.
Laba askari oo kale oo la sheegay in falkaasi ay ku weheliyeen ayaan wax dacwad ah lagu soo oogin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here